MAQAALO

Q/Cabdifataax Cali Sugule daraasad la sameeyay oo lagu ogaaday in nasiibka haweenku ku xidhanyahay xiliga aay dhalatay

Daraasad cusub oo Daaha ka qaaday In Dumarku u kala nasiib badan yihiin Bilaha ay dhasheen

Xaqiiqda Daraasadan ayaa waxaa aad uuga cadhooday oo ay waji-gabaxna ku noqotay haween badan oo ka mid ah haweenkii baadhitaanka lagu sameeyay, kuwaas oo aflagaado u gaystay khubarada samaysay baadhitaankan. Baadhitaankan ayaa khubaradu soo saareen Hawenka iyo bilaha ay dhasheen oo u qoran sidan:-

Haweenayda Dhalata bisha January :-
Waa haweenay qorshe badan , anshax wanaagsan , hasayeeshee waxay u janjeedhaa dhanka murugada.

Haweenayda Dhalata bisha February :-
Waa haweenay Qalbi debacsan, waana xaas la jecel yahay iyo hooyo naxariis badan

Haweenayda Dhalata bisha March :-
Waa haweenay wareersan , hadal badan , waxayna u janjeedhaa muran iyo dood

Haweenayda Dhalata bisha April :-
Waa haweenay isbedel badan, khibradeedu ay yar tahay, hasayeeshee aad u qurux badan

Haweenayda Dhalata bisha May :-
Waa haweenay aad u qurux badan , la jecel yahay, nasiib wanaagsana leh

Haweenayda Dhalata bisha June :-
Waa haweenay dabeecad xun, xanaaq badan, kaftankeeduna badan yahay

Haweenayda Dhalata bisha July :-
Waa haweenay quruxdeedu ay tahay heer dhexe, waji adag leh, dabeecad xun

Haweenayda Dhalata bisha August :-
Waa haweenay madadaalo badan , waxaana inta badan guursada nin hanti leh

Haweenayda Dhalata bisha September :-
Waa haweenay caqli badan, farxad badan. waa haweenay leh soo jiidasho dabiici ah

Haweenayda Dhalata bisha October :-
Waa haweenay qurux badan, la duleeyay, nasiib xuna leh

Haweenayda Dhalata bisha November :-
Waa haweenay fadli badan, aad u debacsan, nasiibkeeduna wanaagsan yahay

Haweenayda Dhalata bisha December :-
Waa haweenay qurux badan, caqli badan, farxad badan, ku takri-falideeda hantiduna tahay mid xad dhaaf ah, waxayna u janjeedhaa nin walba oo nolosheeda ku cusub.

Cabdifataax Cali Sugule

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag