MAQAALO

Abwaan Sayid Garaad oo Gabay aad u gaaban oo magiciisa laydhaa (GOBANIMO) + Hoos ka akhri Gabay micno iyo Xikmad leh.

Asc wr wb‘ umadda reer somaliland iyo guud ahaan soomaaliba Magacaygu waa (Sayid Garaad C/llaahi oo ku nool magaalada Hargeisa) waxaan halkan idiinku soo gudbibayaa gabay aad u gaaban oo magiciisa laydhaa (GOBANIMO) waa gabay aad u tilmaamaya Somaliland waa gabay aan ka da’yaraa se ay habeenkan caawa ah oo ay taariikhdu tahay 24/08/2017ka ii saamaxday in aan idinla wadaago‘ runtii waxaan afeef u dhiganayaa in aanan ahayn abwaan / ama qof badanaa lagu yaqaano Gabayo ama xidhiidhka kale ee suugaanta‘ gabaygan gobanimo marka dhan laga eego waxa uu hiil dhab ah u yahay Raggii dalkan xoreeyey ee SNM oo ay uugu tunwaynyihiin Sida „lixle‘ Ibaraahim Koodbuur M-Cali‘ iyo raggii lamidka ahaa oo aanan halkan kusoo koobi karin“ mudantahayna in aan laga soo hor marin ragga aan wakhtigaasi magaca fiican ku lahayn SNM mar walba waxaan baaba-ayn guulihii ay soo hooyeen Geesiyadii gobanimo u dirirka somaliland. gabaygani waxa uu taabanayaa Sida loo galay abaalkii Ururkii SNM ka bilaw 1992kii ilaa haatan oo ah 2017ka.

Geyigay ku dhalatay iyo maalintii guunyo laga qaaday‘ geerida markii lootubay ee gooni laga yeelay‘ garka maalintii lagu taxay ee gawrac lagu jiiday‘ gudcur dama markii gantaalaa lagu garaacaayey‘ Go-aye haweenka iyo markuu galawgu dhiillaabay‘ gasiin loo dawaro iyo markay silic galluubnaatay‘ googarad markii loo xidhee laga gol-roonaaday‘ gobanimo hadday doonayso maxay taa u gocan wayday!?“

Ragba guudka waa iskaga eegyahay goor iyo alayle‘ Goob adag ninkii kuu hiilayay ayuu gacal ku dhaataaye‘ Nimankii garbaa uuga rarraa gu iyo jilaalba‘ Gurmad adag kuwii kaawaayey amase gaadiidba‘ nimankii gantalaa rakiban gacan la haab-haabtay‘ nimankii garbaa wada casaa gudub u laynaayey‘ kaaraha gur guurta kuwii guudka kaga booday‘ guutooyinkaad ogayd gaba gabaynaayey‘ galoolka nimankii weheshaday amase guurawga‘ gawracato nimankii u cunay gawlal iyo ciinka‘ ee gumarta dheecaan ka deyeyee gacal ka dheeraaday‘ geesigii markuu dhintay goosaanbaa hadhaye‘ gocondhadu ninkii ay muduu gacal u ooyaaye‘ gumcumyada jira markay gudub u daateene‘ yaa gunnada qaatay gaalku bixinaayo ee gacantii kuu hiilisay geerida u quudhay‘ Gabbood malaha geed kaliyoo gago kuyaallaaye!‘ gawruhu wuxuu kaa dilaa labada geesoode‘ Godobtii ma raadsado ninkii guuto adag waayey‘ gollibuu ka liitaa amase guumayse‘ gorgorraduba way isweheshaan guudka lalayaaye‘ dalkeenaa gumaysane xornimo waana garabtaale‘ Muslimbaa gabaye ciraaq lama garaaceene‘ gaal iyo islaambay godobtu taallaaye‘ mar hadaan garaadba u kordhayn gu iyo jilaalba‘ maxaan uuga gabyaa waa galoof madhane‘ maantana gumaystaa loo galbinayaaye!

 

Sayid Garaad C/llaahi 

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag