Warar

Baaq Ururka Midnimada Direed oo baaq ka soo saaray dhibaatada ka taagan Deegaanada ka tirsanaan jiray gobolka Siti iyo iyo magaalada Diri dhabe

Ujeedo: Baaq in degaamooyinka Gadhamayta, Cundhuftu iyo Cadhaytu dib loogu soo celiyo degaanka Somali State ee ay ka hore uga tiranaanjireen.

Salaadiinta, Boqorada, UgaasyadaAqoon yahanka, waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed waxay bayaan ka soo saareen sadexda tuulo ee kala ah

1. Gadhamaytu

2. Cundhuftu

3. Cadhaytu

Saddexdaas magaalo oo ay degan yahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelaha Direed.

Kana tirsanaa ka hor 07/09/2014
degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti

Sidoo kale degaankaas oo isku halka degmo ka wada tirsanaa ka hor taariikhdaas kor ku xusan, balse lagu kala daray sadex degmo oo ka tirsan maamulka canfarta.

Magaalada Gadhaytu oo la raaciyay degmada Amibira ee maamulka canfarta

Halka magaalada Cundhuftu laga raaciyay degmada Gawaani ee maamulka canfarta

Magaalada Cadhaytu ayaa iyadana la raaciyay degmada Mille ee maamulka canfarta

Dhulkaas oo aan umada degan ee somaliyeed habayaatee wax talo ah laga waydiin wareejintiisa, balse sifo baal marsan
sharciga uu ku wareejiyey maamulkii u adeegayay xukuumadii hore ee talada gacanta ku haysay

Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii aqoon yahankii iyo wax garadkii Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state

In umada halkaa degan lagu soo celiyo deegaankii ay ka tirsanayeen ka hor 07/09/2014 ee Somali state maadama oon dhulkaa lagu daray maamulka kale aan sife sharci ah loo marin

Sidoo kale cabashooyinka ka jira Magaalada Diri dhabe, dhulka la yidhaa Marmaasan dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed ka hor 2017 hoos tegi jiray degmada Shiniile.

Maadama deeganka aan loo marin sife sharciga waafaqsan maadama aan dadkaa
afti laga qaadin waxaanu Xukuumada Federalka Ethiopia iyo Dawlada deeganka somalida ka codsanaynaa in dhulkaas lagu soo celiyo degmadii aay hoos tegi jireen si xal loogu helo xaalada amni daro ee ka taagan magaalada Diri dhabe deegaankaasina u noqdo mid xasiloon.

Wa bilaahi towfiiq

Stockholm, Sweden
Ibrahim Ali Adan
Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed
Ibrahimadan@gmail.com

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag