MAQAALO

CLARITY BY CONTRAST: Somaliland By. Aqoonyahan Mohamed Hashi Koodbur

CLARITY BY CONTRAST: Somaliland

Xisbiyada Qabyaalada ku dagaalama ee Kulmiye iyo Wadani, waxakaliya ee ay isku raacsan yihiin waxa weeye;

1. Inay wadanka ku qabsadaan Qabyaalad, iyagoo jaranjarooyin u samaystay qabiilada sida; A,B,C,D,

2. Inay isku eedeeyaan in mid waliba uu dafirayo ka kale inuu wax ku leeyahay wadankan, waliba tilmaamaya in uu mashruuc sito uu Somali weyn kula heshiinayo….

Waxay arintaas sheekadeedu dib ugu noqotay xiliyadii Mohamed Siyaad Barre ka talinayey wadanka, oo lakala sheeganayo dagaalkii lala galay kooxdaa muqdisho ka talinaysay. Waxaa kaloo ugu daran in dagaalo aad u fool xumaa oo sanadadii sagaashaneeyadii ka dhacay Somaliland dib loosoo celcelinayo iyadoo midba midka kale ku eedaynayo inuu xaq ku taagnaa.

Xaalada waxay maraysaa meel xaasaasi ah oo qolo waliba ay hoosta ka dhisayso kooxo hoose oo doorashadaa u booba, xoogna u isticmaala ku qabsashada iyadoo uu mid waliba ka faaiidaysanayo hayadaha sharci ee jilicsan oo aan maanta awood u lahayn inay ku kal saaraan sharci haddiiba muran yimaado.

Tusaale cad waxa arimahaas u noqon kara, muranka ka dhex aloosan doorashadii golaha Baarlamaanka, oo markii la qaban kari waayey arintooda ay fanaaniinta dalku yidhaahdeen anagaa ka garnaqayna, arintaasoo meel ay sharci wadankani leeyahay kaga jirto aan la garanayn. Sidaa darteed, waxay arintaasi horseedi kara in ay dhowaan soo baxaan qolyo kale oo iyagun ka garnaqi doona cida wadanka hogaankiisa qabanaysa haddii madaweyne Siilaanyo tahli waayo inuu hogaamiyo wadanka mudada u hadhay ee dorashada la gaadhsiinayey.

Durbaba hadalo ayaa soo baxaya sheegaya inuu Saleebaan Mohamed Aden yahay ka kaliya ee qaban kara wadanka haddii arintaasi timaado, waxaa iyaguna soo baxay kooxo kale oo ku hanjabaya in haday xaaladaasi timaado uu sharcigu siinayo Saylici, madaxweyne ku xigeenka. Hadaba, waxa iyaguna arintan diyaar u ah inay ka garnaqaan koox la yidhaahdo Xidigaha Geeska oo heeso dadku jecel yahay qaada.

Ugu dambayn, dalkii lasoo dhisaayey mudada ku dhow soddonka sano ee Somaliland waxuu halis ugu jiraa in wakhtigiisu soo gebogeboobo maxaa yeelay, waxa uu u muuqda in aanay jirinba wax aasaas u ah oo lagu dhisay dalkan oo marka dhibaatooyinka caynkan oo kale ahi yimaadaan lagaga dabaalanayo, keliya uun waxa muuqata in markii Somaliland lagu dhawaaqayey ayay ahayd arin rag gaar ahi jeebada ku siteen oo aan laysku raacsanayn, waana ta sababtay maanta in dadku aanu isku raacsanayn in dalkan la wada dhiso iyo in lawada dumiyoba.

Dawladaha afrikaanku isha ayay ku hayaan arinta Somaliland, oo ay suurto geli karto in la balaadhiyo mashaariicda ciidamada nabad illaalineed ee ku sugan Somaliya, iyadoo arintaas Somaliland lagu tixgelin jiray inaanay ka mid ahayn. Magaalada Buuhoodle dagaal ayaa ka bilaabmay aad u ah khatar, oo laga yaabo inuu sababo in loo arko inaanay Somaliland ahayn nabad.

Waxaa kaloo jira in maanta lasoo sheegayo inuu dagaal kale ka qarxay gobolka Sanaag, iyadoo hogaankii wadanku uu heehaabayo, oo aan la garanayn cida gacanta ku haysa wadanka, madaxweynihiina lagu dawaynayo UAE, halkaas dadku qaarkii hadal hayaan in reerkii madaxweynaha iyo masuuliyiintii madaxtooyadu isku hayaan cida maamulka gacanta ku haysa wakhtigan xaadirka ah.

…..LA JIIFIYAANA BANAAN, LA JOOJIYAANA BANAAN….

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag