Warar

Degdeg Ururka Midnimada Direed oo ka digay in Maleeshiyaad beeleedka Liyuu police ka iyo Maleeshiyada ONLF lagu sheego Ciidamada Somali State maadama aanu ahayn ciidamo aay ku dhaanyiin dadka deegaanka degani

Ka Madax dhaqameedkaGuurtida iyo aqoon yahan Ururka Midnimada Direed

Ku: Raiisal wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Itoobiya mudane Abiy Ahmed
Ku: Madaxweyne Dawlada deeganka Somali State mudane Musafe Cagjar
Ku: Saxaafada Afka Somaliga iyo saxaafada Dalka Itoobiya.

OG: Gudoomiyaha XDSHSI mudana Ahmed Shide

Ujeedo Bayaan

Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, Cuqaasha, saraakiisha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay ku baaqayaan,

1. In aanay aqbali doonin go,aanka uu ku dhawaaqay madaxweynaha dawlad degaanka Somali State mudane Mustafe Cagjar ee uu ugu cimaamaday amniga Somali State malayshiyadii ONLF ee beesha Ogaadeen iyo malayshiyadii LIYUU POLICE ee isla beesha Ogaadeen.

2. In aan lagu aamini karin amniga Somali State labadaas malayshiyo ee isku reerka ah ee hore xasuuqa, barakicinta, dil, boobka iyo dhaca ugu gaystay umadda degta Somali State.

3. In loo baahanyahay in la dhiso ciidamo amni oo ay kuwada kalsoonyihiin, kana wada dhexmuuqdaan dhamaan umadda degta Somali State.

Ugu dambeyntii Ururka Midnimada Direed wuxuu madaxweyne Musafe Cagjar usoo jeedinayaa inuu muujiyo hogaamin ku dhisan xaqsoor iyo cadaalad, oo uuna dhiso dal iyo dawlad la wadaleeyahay, kana xoroobo qabyaalada iyo nidaamka reernimada ku salaysan.

Fiiro gaar ah: Ururka Midnimada Direed (UMD) waxaa ku bahoobay afarta haamood oo ay ka kooban yihiin beelaha Dirka, oo kala ah Madaxweyne Dir, Maha Dir, Madoobe Dir iyo Madaluug Dir.

Wa bilaahi towfiiq

Febraayo 10/2018

Ibrahim Ali Adan
Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed (UMD)

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag