Warar

Degdeg Wershad dharka soo saarta oo laga furay dalka Ethiopia sidoo kale waxa laga furay dalka Ethiopia Cisbitaal noociisu ku cusubyahay geeska

Wershada iyo Tirada Cisbitaalkani u Adeegayo ayaa Xiiso Leh

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Suudaan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta si wadajir ah xadhiga uga jaray wejiga koowaad ee Wershad weyn oo dharka soo saaraysa oo laga furay magaalada Jimma ee galbeedka Itoobiya.

Wershadaas laga hirgeliyey magaalada Jimma, waxaana maanta xadhiga laga jaray wejigii kowaad oo ay ku baxday lacag dhan 61 Milyan oo Doolar.
Dhinaca kalena Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan ay xadhiga ka jareen cusbitaal laga furay jaamacadda Jimma University.
Siday baahisay warbaahinta Itoobiya, waxa cusbitaalkaas cusubi uu u adeegi doonaa 15 milyan oo qof, waxaana ka hawlgeli doona 1600 oo shaqaale caafimaad ah.
Waxa kaloo jaamacadda ay hoggaamiyaasha Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan booqdeen maanta ka qalin-jabiyey 1700 oo arday oo ay ku jiraan 331 dhakhtar.

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag