MAQAALO

Gabay qiiro badan oo ka Socda Sarkaal Qalbi Dhagax oo farmaajo loo tiriyay

@ nin gumaysi baacinahayoo geyfan baan ahaaye
@ gaalada nin neceb baan ahaa joogta geyigeenna
@ geylame amxaar neceb misana geesiyaan ahaaye
@ nin usoo gablamay baan ahaa geyiga soomaale
@ nin guyaal dibjiray baan ahaa goobo dirireede
@ gogoshii haweenkiyo nin aan guri macaan seexan
@ oo gaaf wareeg iyo kujira gaada bahalaynta
@ gobonimo udirir baan ahaa gaalku kari waayey
@ gocorkiyo tikreegaas ninkii gaabshey baan ahaaye
@ markii aad gam’ayseen ninkii gooshi baan ahaaye
@ gacalkiyo xigtadiin baan ahaa geesigii kacaye
@ gob inaad ahaatiyo waxaan jeclaa inaad gablaysaaye
@ aduun baa galoof ahoo caqligu guuray waa hore ‚e
@ aduun baanan garanayn wixii kula gudboonaaye
@ geesigaaga aduun baa dilloo cadow ugeyn uune
@ adigaa gablamay oon ogayn inaad go’aysaane
@ gefka iyo xumaatada adaa gooba oo jecele
@ maxaan kuu gadoodaa adaa leebka igu ganaye?
@ gaaladii markii aan jabshee dhinayd libin ku geeraarku
@ hadii aad gadaal igamarteed cadowga iigaaday
@ nimankaan daraad gooyay hadaad adigu iigaysay
@ maxaan kuu gadoodaa adaa leebka iguganaye?
@ hadii aan goobaha dagaal gaalka isku gooyno
@ oo aan geeriyoodoo dhintoo aakhiro uguuro
@ nin guulaystay yaan noqon lahaa sidii gudboonayde
@ maxaanse kuu gadoodaa adaa leebka igu ganaye?
@ gocoshada xanuunka leh adaa gacalkayoow ibadaye
@ gaalkaan irifayiyo adaa guntaan iga gadaye
@ adigaan gabaad kaa dhigtoon lahaa garabka weeyane
@ maxaan kuu gadoodaa adaa leebka iguganaye?
@ geesigu goobaha kamabaqoo geeri loodhalaye
@ gumac iyo rasaas iyo wuxuu garabsadaa danabe
@ gardaduub hadaad ii xirteen ood iidisheen gaalka
@ maxaan kuu gadoodaa adaa leebka igu ganaye?
@ soomalaay galoof baatihiin caqligii gooni lagasaray
@ gidigiinba kalama gaabisaan guurti iyo wiilba
@ gawaan iyo abaar lagabaxaad sahan ugooshteene
@ gaawaha waxaad uculateen hashii gudhay waa hore ‚e
@ kagilgisha garoomada dhiciyo ceebta lagu guuray
@ hadii kale gurboodkiinu guray gumashka ay beerto

by Ali Seed B

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag