MAQAALO

Q/Fardawsa Muuse C/laahi waa maxay Cadaalada Bulsho u baahantahay ?

Kalmada Cadaalad Waa Maxay?
Caddaaladu waa isku dheeli-tirnaan, Caddalad bulsheedku waxa ay ka kooban tahay seddex arimood oo kala ah:

1- In dadku helaan xornimo dhameystiran oo ay ku cabiri karaan Ra’yigooda iyo dareenkooda.
2- In dadku u sinnaado nolosha oo aan la kala sareyn sida Xuquuqda iyo Waajibaadka.
3- In la helo Bulsho isku dheelitiran, isku xidhan oo istaakuleysa. Taaso macnaheedu yahay kasoo bixidda Ma’suuliyadda bulsheed ee qof walba saran,
.
Nabigeenna Maxamad {NNKH} wuxuu yiri todobada qof ee aakhiro hadhka ilaaheey helaya, waxaa ku jira qof u caddaalad falay dadkii uu hoggaminayay.
Hadii aan rabno inla helo is aaminaad iyo nabad waarta si loo helo dowald wanaagsan, waxaa lagama maarmaan ah in aan ka fogaano caddaalad darada iyo dulmiga. because marka Caddaalad la helo ayey dowladi jiri kartaa oo la helayaa is aaminaad keenta nabad, midnimo, dowlad wanaag iyo in la gaadho horumarka dhinacyadiisa kala duwan.
Hogaamiyaashii hore ee Musliminta waxay ahaayeen kuwo aad u fahamsan qiimaha ay caddaaladu u leedahay dowladnimada, waxayna tusaale u ahaayeen bulshada oo dhan xaga caddalada oo ay ka bilaabi jireen naftooda, sido kale dhinacyada akhlaaqda iyo ilaalinta hantida ummadda.
s/land waxaa halkaa dhigay waa caddaalad daro baahday oo
saameyn ku yeelatay dhamaan hay’adihii dowlada .
Dowladii kacaanka ee umada ka dhaxaysay sidaan wada ognahay waxay la burburtay caddaalad la’aan ilaa iminkana wax cashara lagama baran oo ilaa maanta waxa soomaali oo dhan haysta dulmi iyo cadaalad daro baahsan
Nidaamka aan wax ku dhisanayno haduu yahay mid dulmi iyo kala sareyn ku dhisan, doorashooyinkuna ay noqdaan kuwo ku saleysan laaluush la kala qaato, khiyaano ,boob iyo Musuq-maasuq oo Caddalada iyo dhex dhexaad-nimada ka fog, aan isweydiino sidee lagu helayaa dowlad wanagsan oo bulshada dhexdeeda karaamo ku leh
Khiyaamoyinkaasi waa waxa keenay in la kala aamin baxo
Xumaanta iyo Caddaalad daridu waxay kobcaan oo koraan marka ay dadka wanaagsani waxba ka qaban waayaan
kana aamusaan dulmiga iyo cadaalad darada .
Dadka wanaagsani waa in ay ka hadlaan waxna ka qoraan dulimga iyo Caddalad darada ay Madaxdu ku kacdo iyo sidii looga bixi lahaa, iyaga oo aan wax xumaan iyo nacayb shakhsi cidna u qabin ,in la isafgarto waxa keena is maqalka iyo isu tanaasul hadii taa la waayo waxa imanaysa waran waran ku taag iyo in la sii kala fogaado taasina dadka iyo dalka dani uguma jirtoUgu danbayn cadaaladoo la ilaaliyaa waxay keenta horu mar ,is aaminaad , isu soo dhawaasho iyo inlaga badbaado cuqubo iyo cadho alle

  1. .
    F.M.Taarwale

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag