English News Taariikh

Taariikh Kooban Aqoonyahan,Qoraa, Faarax Maxamed Jaamac „‚Cawl“.1937-1991.

Taariikh Kooban.

Aqoonyahan,Qoraa, Faarax Maxamed Jaamac „‚Cawl“.1937-1991.

Faarax Maxamed Jaamac „Cawl“ oo ah ninkan aad sawirkiisa aragtaan,wuxuu ahaa qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, kuna dhashay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag Somaliland, taariikhdu markii ay ahayd 1937 kii.

Waxbarashada dugsiyada hoose waxa uu kusoo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yaman. Sannadkii 1952 kii ayaa uu Hargeysa ku soo noqday, halkaas oo uu ka galay dugsiga farsamada gacanta ee ‘Hargeysa Trade School’. Kaddib waxa uu waxbarasho sare u aadey dalka Ingiriiska, halkaas oo uu magaalada London ka galay ‘Chelsea School College of Aeronautical and Automobile Engineering’ (1959-62). Ingiriiska waxa uu ku tagey deeq waxbarasho oo gumeytihii siiyey. Waxaa la sheegay in deeqdaas hal sano dib looga dhigay ganaax ahaan, kaddib markii uu ka qaybqaatay riwaayad gumeysiga lagaga soo horjeeday. Waxay isku xili ahaayeen oo waxbarasho Ingiriiska u wadda joogeen saaxiibna ahayeen Madaxweyne Siilaanyo.

Markii uu ka soo laabtay waxbarashadii dibadda, waxaa uu noqday bare farsamada dhiga (technical instructor). Sannadkii 1964 kii ayaa uu ku biiray Xoogga Booliska Soomaaliyeed (Somali Police Force), waxa uuna ka gaadhay darajada Kornaylka. Faarax waxaa masuul looga dhigay laanta gaadiidka. Halkaa waxa uu uga sii gudbey Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Gaadiidka Qaranka oo loo dhiibay sannadkii 1979 kii.

Faarax waxa uu 1974 kii qoray buugga ‘Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl, „Ignorance is the enemy of love“ kaas oo ahaa sheeko-faneedkii ugu horraysay ee far Soomaali lagu qoro, maxaa yeelay qoraalka waxaa la hirgeliyey 1973 kii. Buuggu waxa uu ku salaysan yahay sheeko jacayl oo dhab ah, taas oo dhex martay nin la dhihi jirey Calimaax iyo gabadha Cawrala. Labadaba waxa ay isku degaan ahaayeen qoraaga.

Waxaa kale oo uu qoray Garbaduubkii Gumeysiga „The Shackles of Colonialism“oo Muqdisho lagu daabacay 1978 kii. Sannadkii 1989-kiina waxa uu soo saaray buugga Dhibbanaha aan Dhalan.“The Unborn Victim“.

Markii uu dagaalkii sokeeye qarxay 1991-kii ayaa Aqoonyahan Faarax iyo saddex ka mid ah caruurtiisii lagu dilay magaalada Beledweyne ee waddanka Soomaaliya, waxaase u badbaaday xaaskiisii iyo hal wiil oo la yidhaahdo Daahir Faarax.

Raad-raac.
en.wikipedia.org/wiki/Farah_Mohamed_Jama_Awl

http://www.garanuug.com/abwaan/faarax-maxamed-jaamac-cawl/

Buugaagta Faarax M.J.Cawl.

Aqoondarro waa U nacab jacayl („Ignorance is the enemy of love“), 1982
Garbaduubkii gumeysiga („The Shackles of Colonialism“), 1978
Dhibbanaha aan dhalan („The Unborn Victim“), 1989
Aqoondarro waa u nacab jacayl, 1974.

Suleyman Yusufdhakhtar

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag