Warar

URURKA MIDNIMADA BEELAHA DIREED OO BAAQ NABADEED KA SOO SAARAY SHAQAAQADA GOBOLKA SITI KU DHEX MARTAY BEELAHA WALAALAHA AH

URURKA MUNDNIMADA DIREED (UMD)

Ku saxaafada ku hadasha afka Somaliga .
Ku xukuumada federaalka ah ee dadka Itoobiya

Ku xukuumada Somali State
Ku madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beesha Ciise iyo beesha Gurgure

Ujeedo: Baaq nabadeed

Ururka midnimada direed waxa uu halkan uga soo dirayaa baaq nabadeed labada beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamaya magaalada Diredhaba iyo degaamada ku xeeran.

Waxa na soo gaadhay war naxdin leh, oo sheegaya in labada beelood ee walaalaha ah ee Ciise iyo Gurgure ay ku

dagaalamayaan magaalada Diredhaba iyo degaanada ku xeersan oo weligood si nabad ah ku wada degenaa halkaas.

Salaadiinta, boqorada, Ugaasyada, saraakiisha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka beelweynta Direed ee ku bahoobay

Ururka Midnimada Direed waxay halkan si wada jir ah uga soo dirayaan baaq nabadeed iyo in si degdeg ah loo joojiyo colaada iyo dhiiga daadanaaya ee dadka walaalaha ah.

Sida kale waxaanu ka codsanaynaa xukuumada federaalka Itoobiya iyo

xukuumadaha Somali State iyo weliba madaxdhaqameedka iyo

waxgaradka labada beelood, inay si dhakhso ah u farogeliyaan oo uguntadaan sidii loo loojoojin lahaa colaadaas iyo dagaalkaas ka socda magaalada Diredhaba iyo nawaaxigeeda.

Xubnaha guurtida iyo odayaasha ururka midnimada direed.

1. Suldaan Bashir Geele
Beesha GAADSAN

2. Mohamed Nuur Ahmed (Tahar) beesha Isaaq (Habarjeclo)

3. Abdirizaq Fadal, beesha Isaaq (Garxajis)

4. Abdiqaadir Mohamud Xarbi, beesha Isaaq (Subeer Awal)

5. Mohamed Ismail, beesha Ciise

6. Prof. Abdisalan, beesha Akisho

7. Abdikarim Ahmed Warsame, beesha Samaroon

8. Ugaas Mohamud Hersi, beesha Isaaq(Habarjeclo)

9. Mohamed Abdi, beesha JAARSO

10. Osman Shayn, beesha Isaaq (Subeer Awal)

12. Suldaan Hussein Sh. Osman, beesha Surre (Qubeys)

13. Ciise Sheekh Ismail, beesha Biyomaal

14. Muxyadiin Muuse Sh. Abraar, beesha Madigaan

15. Abiib H. Yaasiin, beesha Akisho

16. Sheekh Mohamed Bocor, beesha Mandaluug dir

17. Ali Sheekh, beesha Isaaq (Toljeclo)

18. Mohamed Qawdhan, beesha  (Isaaq, Garxajis, Habaryoonis)

19. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow (Isaaq, HJ)

20. Sheekh Sheekh Hassan Sheekh Abdirashid ( Surre, Cabdalle)

21. Danjire Jama Mohamed Omar (Isaaq. Subeer Awal)

22. Cabdi samad caqli nageeye beesha madigaan .

23. Oday Ahmed Shell (Isaaq, Garxajis, Habaryoonis)

24. Prof Abdisalan (Akisho)

25. Boqor Mohamud Sheekh Cismaan (Magaadle)

26. Suldaan Yuusuf M. Xiirey (Waa Isaaq, Garxajis, Habaryoonis)

27.Cabdishakuur General Cumar  Fanax (Akishe)

 

Gudiga fulinta ururka midnimada direed.
1. Ibrahim Ali Adan
Gudoomiye.
2. Ahmed Sheekh Dayib
Gudoomiye ku xigeen
3. Abdifatah H. Buuxe
Xoghayaha guud
4. Mohamed Ali Haybe
Xoghayaha saxaafada
5. Macalin Yuusuf
Afhayeenka ururka
6. Ismail Daallo
Xoghayaha xidhiidhka Bulshada
7. Muuse Abdi Muuse
Xoghayaha dhaqaalaha

Follow Me Facebook

Video

BOQOR RAABI OO SHARAXAYA CADAALAD DARADA LAGU HAYO BEESHA::

Dhalinyarada Degmyooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge OO Baaq U Diray Maayir Soltelco iyo Cagawayne

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo Runta u sheegay mayar Soltelko

Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Somali Achievement Awards oo ka dhacay London UK markii 8aad sanadka 2016 ka Daawo

Suldan xusen cali waraabe oo xaal siiyay beesha Guyobe maxamed daud

Daawo Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe Oo Xaal siiyay Beesha Max,ed Daud Guyobe hadalkii suldan maxammed cabdiqadir oo duray beesha

Furitaankii Cisbitaalka Qotan dabo ee Degmada Sabawanaag